Soonka Bisha Ramadan

Soonka Bisha Ramadan.

Soonku wuxuu ka mid yahay arkaanta islaamku ku taaganyahay ee shanta ah, Rasuulku wuxuu yidhi : " Islaamka waxaa lagu dhisay Shan, 1. Ka markhaati kaca in illaah xaq lagu caabudaa jirin illaahey mooyee iyo in nabi maxamed Scw yahay kii uu soo diray. 2. Salaada oo la tukado 3. Bisha Ramadan oo lasoomo. 4. Zakada oo labixiyo. 5. Xajka oo la guto".
Waxaa weriyay bukhaari.

        Macnaha soonka.

Ereyga wuxuu leeyahay labo macno oo kala ah luqo iyo Isdilaax.
Luqo ahaan Ereyga "Soon" waa ka joogsashada sida Hadalka, Cunada , cabida I.w.m.
Isdilaax ahaan ( Macnaha sharciga dhexdiisa looga yaqaan soonka ) waa in laga joogsado ama la iska ilaaliyo waxyaabaha Qofka sooman afuriya laga bilaabo waabariga ilaa qoraxda ay dhacdo ayadoo la niyeysanyahay.

          Xukunka Soonka 

Waa waajib, waajib ahantiisana waxay ku soo aruurtay Quraanka kariimka ah iyo Axadiista rasuulka SCW.

Post a Comment

Previous Post Next Post